Home / News &Events / Daawo Sawiradda:Jaamacadda Jubbada Sare Ee Baydhabo Oo Maanta Furtey Maktabad Cusub

Daawo Sawiradda:Jaamacadda Jubbada Sare Ee Baydhabo Oo Maanta Furtey Maktabad Cusub

Baydhabo(UJU)- Jaamacada Jubbada Sare Ee Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay ayaa maanta furtay Maktabad cusub oo loogu magac daray Upper Jubba Library, kadib xaflad ka dhacday Xarunta Jaamacada , kaasoo ay ka soo qeyb galeen Mas’uuliyiinta ,Maamulka Jaamacada, Ardeyda, Macalimiinta iyo weliba Marti Sharaf kale.

Dr. Xasan Ismaaciil Baashaa oo ah Madaxda Xafiiska Maaliyada Jaamacadda Jubbada Sare Ee Baydhabo ayaa ugu horeyn ka hadlay Maktabada cusub ay u dhiseen Jaamacada, isagoo xusay ujeedooyinka loo daah furey Maktabadan.

“ Ujeeda Ugu weyn Waxay tahay sidii Ardeyda Jaamacadu ay u heli lahaayeen Buugaag tixraac ah, sidoo kalena buugaagdan waxay ka booban yihiin dhamaan 7 Kuliyadood oo Jaamacadu ay bixiso, waxaa kale aynu ugu tala galney inay ka faa’ideystaan Bahda Waxbarashada Degmda Baydhabo” ayuu yiri Dr.  Xasan Ismaaciil Baashaa

Maktabadaan ayaa waxaa la dhigay buugaag gaaraysa ilaa iyo 1500 oo buug oo noocyo kala duwan ah.Maamulka Jaamacadda ayaa sheegay in lacago iyo waqti badan ugu baxday hirgalinta Maktabadan.

Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay gudoomiyaha Jaamacada Dr. Idiri Cabdi Takhtar, isagoo sheegay in Buugaagtan ay ku deeqday Hay’ad lagu magacaabo American Relief Agency for Horn of Africa waxaa uu sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in maktabkan ay hergaliso Jaamacadda Jubbada Sare isagoona fariin  waano ah u direy Ardeyda iyo Bahda waxbarashada Degmada Baydhabo oo ku Aadan inay ka faa’ideystaan Buugaagdan ayna badiyaan wax aqriska.

“ Aduunkan waxa la isku dhaafey wax aqris, in badan hadii aad wax badan aqriso, in badan ayaad wax fahmeysa, Jaamacaddu waxay ku daaleysa Tayeyta Manjahka iyo Wacyi-galinta Bulshadda Degmada Baydhabo” ayuu yiri Dr. Idiris cabdi Takhtar.

Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay Xuseen Axmed Mursal oo ka mid ah Bulshadda Rayida Degmada Baydhabo waxaa uu sheegay in ay u wanaagsan tahay in maktanadan la furo, isagoo amaaney Dardar galinta Howlaha waxbashada Jaamacadda Jubbada Sare Ee Baydhabo.

Ugu dambeyn Maktabadan cusub ee laga hirgeliyay Jaamacada Jubbada Sare Ee magaalada Badyhabo Ee Xarunta Gobolka Bay ayaa waxay qeyb weyn ka qaadaneysa waxbarashada Ardayda jaamacadaas wax ka barataa iyo Bulshada Degmada Baydhabo.

Halkan Ka Daawo Sawiradda.

 

About admin

Check Also

The chancellor of Upper Jubba University Attended Training About Climate Changes

Mogadishu (UJU) – Mogadishu, capital of Somalia, has held training on how to change Cilamate …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *